Real Madrid oo badelka Bale u aragta Xiddigan…(Waa haddii ay weyso Neymar)

(Madrid) 06 Maarso 2018. Real Madrid ayaa baryahaan in badan lala xiriirinayay xiddiga ugu qaalisan ee Neymar iyadoona dooneysa inay ku badesho booska Gareth  Bale.

Warsidaha Diario Gol ee dalka Spain ayaa warinaya in kooxda Zidane ay ka fikireyso in Christian Pulisic  uu badel u noqon karo laacibka reer Welsh haddii ay ku guuleysan waayaan baadi goobka ay ugu jiraan xiddiga reer Brazil.

Christian Pulisic Borussia Dortmund Augsburg

Laacibkii hore ee Tottenham Bale ayaa la filayaa inuu isaga tagi doono caasimada Spain marka uu dhammaado kal ciyaareedkan.

Inkastuu Neymar yahay bartilmaameedka koowaad ee Los Blancos, misane kooxda ayaa ku fikireysa inay u dhaqaaqdo da’yarka Borussia Dortmund oo lagu qiimeeyay ilaa 80-milyan oo euro waa marka ay ka quustaan Neymar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close