Messi mise Ronaldo? Yuu qaab ciyaareedka ka shabbahaa wiilka Muslimka ah ee ruxay dunida

(Liverpool) 06 Mar 2018. Maxamed Saalax waxa uu ku raaxeysanayaa mid ka mida ol’oleyaashiisii ugu wacnaa Premier League-ga.

Saalax tan iyo markii uu Liverpool ugu soo biiray £34 million waxaa muuqatay saameyntiisa taas oo keentay in lala meel dhigo ciyaaryahanada dunida ugu hibada badan.

25 jirka waxa uu hadda dhaliyey 31 gool isaga oo sidoo kale jabiyey rikoorka goolasha ugu badan ee lugta biddix lagu dhaliyo hal horyaal oo Premier League-ga ah.

Biddixda Saalax ma aha mid la celin karo waxaana lala meel dhigay Lionel Messi.

Laakiin Jamie Carragher waxa uu sheegay in laacibka u qaab egyahay Cristiano Ronaldo.

“Cristiano Ronaldo waxa uu tusaale u yahay sida doorka ciyaaryahanada garabaha isu bedelay,’ ayuu Jamie Carragher ku qoray boggiisa Telegraph.

“Markii uu ku soo biiray Manchester United waxa uu jeclaa in uu geesaha garoonka ku gambiyo, cag wareejiyo isaga oo argagixin jiray dambeedyada.

“Hadda gabi’ahaanba waa ciyaaryaan bedelan – gool dhaliye. Wuu xanaaqayaa haddii uu garoonka soo galo balse gool dhalin.

“Ma rabo in uu xirfaddiisa gambiska garbaha ka sameeyo maxaa yeelay kama soo ladi karo darbo halkaas, markaas ciyaartiisa waxa ay ku egtahay in uu gudaha soo galayo oo uu kobciyo goolashiisa haddaba qeyrul-caadiga ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close