Ma aragtay waxa uu sameeyo Tababaraha Liverpool markasta oo Kaambiyo la maro ciyaarta?????….(Jawaab +MUUQAAL)

(England) 06 Maarso 2018.  Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa markasta oo Kaambiyo la maro ciyaarta ka baxa garoonka isagoo ordaya wuxuuna sugaa oo kaliya inta seeriga laga yeerinayo.

Warsidaha Goal oo arrinkaan ka wareysatay Macalinka reer Germany ayaa yiri:

“Mararka qaar waxaan dhabtii sugaa inta laga marayo qeybta hore, si aan u hagaajino waxyaabaha.

“Waqtiga Nasiinada waa waqti aad u muhiim ah.

Jurgen Klopp

“Waxaan marka hore ciyaartoyda siyaa fursada ay ku neefsadaan, ay wax ku cabaan isla markaana ay waaxda caafimaadka hubiyaan inay dhammaan fiican yihiin.

“Intaa kaddib waxaan daawanaaa xaalado yar oo qeybta hore ah waa kaliya marka ay u cadahay fariinteena aan u isticmaalnay.

“Haddii ay u caddeyn, ma daawano waxaana la hadlaa ciyaartoyda.

“Dhabtii waan ka helaa waqtiga nasiinada maxaa yeelay waa mid aad u muhiim ah.”.

 

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close