LIVERPOOL VS FC PORTO: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Liverpool) 06 Maarso 2018 – Waxaa caawa gegada Anfield ku ciyaari doona labada kooxood ee Liverpool vs FC Porto, iyadoo kooxda dambe lugtii hore si wanaagsan looga soo adeegtey, taasoo ciyaarta 2-aad magac uun uga dhigaysa reer Reds.

Dhanka Liverpool: Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan cidna nasin doonin ciyaartan. Emre Can oo lugtii hore ganaax uga fadhiyay ayaa caawa safan kara ciyaarta lug celiska ah, halka taa caksigeeda uu daafaca Alberto Moreno uu hal jaalle u jiro inuu ciyaarta xigta ganaax kaga maqnaado.

Dhanka Porto: Sergio Conceicao ayaa shaki uga jiraa rag badan oo ka tirsan safkiisa 1-aad oo dhaawacyo sheeganaya iyo qaar ganaaxan. Tusaale ahaan daafaca Felipe ayaa ciyaartan ganaax kaga maqan. Qannaaska Moussa Marega ayaa isna la tacaalaya dhaawac muruqa ah.

Waxaase soo noqonaya Vincent Aboubakar taasoo woxoogaa sare u dhigaysa tayada farsamo ee kooxdan reer Portuguese oo kaliya caawa doonaya inay qabkooda difaacdaan. Iker Casillas ayaa caawa safan.

Shaxda suurtagalka ah ee Liverpool (4-3-3)

GK:  Karius

Defenders: Alexander-Arnold(RB),  Lovren(CB), Van Dijk(CB), Robertson(LB)

Midfielders:  Can(CM), Henderson(CM), Milner(CM)

Forwards:  Salah(RF), Firmino(CF), Mane(LF)

Shaxda suurtagalka ah ee Porto (4-4-2)

GK:  Casillas

Defenders:  Maximiliano Pereira(RB), Felipe(CB), Marcano(CB), Dalot(LB)

Midfielders: Otavio(RCM), Oliveira(CM), Herrera(CM), Brahimi(LCM)

Forwards: Aboubakar(RS),  Tiquinho(LS)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close