Jose Mourinho oo shaqo ka helay koobka adduunka (Imisa lacag ah ayuu ka helayaa shaqadaas)

(Moscow) 06 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ayaan shaqo la’aan noqonayn inta lagu jiro bilaha fasaxa madaama sanadkaan la ciyaarayo koobka adduunka.

TV-ga caanka ah ee dalka Ruushka ee RT ayaa baahiyay heshiis dhex maray iyaga iyo tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho.

Heshiiska ayaa ah in Mourinho uu falanqeeye ka noqdo koobka adduunka, wuxuuna helayaa halkii kulan ee uu falanqeeyo 400 kun oo Ginni.

Image result for peter schmeichel world cup 2018

Jose Mourinho ayaa la qorsheeyay inuu ka soo muuqdo ilaa afar kulan oo uu falanqayn doono, taas oo ka dhigan inuu heli doono 1.6 milyan oo Ginni.

RT kuma guulaysan xuquuqda baahinta koobka adduunka, laakiin waxay go’aansadeen inay falanqeyn u sameeyaan kulan walba.

TV-gaan ayaa sidoo kale heshiis la gaaray goolhayihii hore ee Manchester United ee Peter Schmeichel kaas oo Mourinho ku wehlin doona falanqaynta kulamada koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close