Ileen madaxwaynaha Ruushku xariif ayuu ku yahay kubadda cagta (Vladimir Putin oo soo bandhigay xirfadiisa)

(Moscow) 06 Maarso 2018 Madaxwaynaha dalka martigalinaya koobka adduunka ee Vladimir Putin ayaa maanta ka qayb qaatay ololaha loogu diyaar garoobayo dhacdada ugu wayn kubadda cagta.
Vladimir Putin ayaa ka soo muuqday muuqaal uu baahiyay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo ay ugu talo galeen madaama koobka adduunka ay ka harsan tahay 100-maalin.
Putin shows off his football skills as he marks 100 days until the Russia World Cup https://t.co/PX3qRoWPg6 pic.twitter.com/xQTBzL7vne
— MailOnline Sport (@MailSport) March 6, 2018
Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo madaxwaynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa ka soo muuqday muuqaalka iyaga oo kubadd moolaysanaya.
Putin ayaana lagu arkay xirfad aan caadi ahayn, xafiir kuma ahan kaliya siyaasada ee sidoo kale xarfaan wayn ayuu ku yahay kubadda cagta.
Gool FM