UEFA oo ku dhawaaqday in hal daqiiqo loo aamusi doono Astori kulamada CL & EL

(Nyon) 05 Maarso 2018 – Waxaa shalay welwelsanaa guud ahaan kubadda cagta, gaar ahaan midda Yurub, kaddib geeridii faj’ada ahayd ee kabtankii Viola jaalle Davide Astori, waxaana sidaa darteed shalaytoole u baaqday dhamaanba kulamadii harsanaa ee Serie A.

Shalay kooxaha Barcelona-Atletico Madrid ayaa sameeyay hal daqiiqad oo aamusnaan ah oo ku aaddanayd Astori iyo Quini oo ahaa halyeey Barcelona u safan jirey oo todobaad kahor geeriyoodey isagoo 69-jir ahaa.

Haddaba maaddaama todobaadkan la dheelayo labada koob ee Yurub sida Champions League iyo Europa League, min Talaadada berri ah ilaa Khamiista, waxay UEFA ku dhawaaqday in daqiiqad loo aamusi doono laacibkii hore ee Viola.

Waxay si gaar ah u saamayn doontaa dhamaan kulamada gaar ahaan Juventus oo London kula ciyaaraysa Tottenham iyo Lazio iyo Milan oo Olimpico iyo San Siro ku kala qaabilaya Dinamo Kiev iyo Arsenal, kuwaasoo ay ku jiraan laacibiin si shakhsi ah u yaqaanney Astori, gaar ahaan Rossoneri oo ah kooxdii uu junyarkeed kusoo barbaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close