Neymar oo ka baxay cisbitaalkii uu qalliinka ku maray

(Belo Horizonte) 05 Mar 2018. Garabka Paris Saint-Germain Neymar waxa uu ka baxay cisbitaalka kaddib markii lagu guuleystay qalliinkii looga sameeyey cagta.

Laacibka dunida ugu qaalisan waxa uu dhaawac soo gaaray kulankii ay toddobaadkii hore 3-0 uga badiyeen Marseille kahor inta uu u safrin Belo Horizonte oo lagu qalay.

Neymar hadda dhammaan inta ka dhiman ol’olehan uma ciyaari doono kooxdiisa waxaana la filayaa in taam ahaanshihiisa ku soo aado koobka aduunka xagaaga bilaaban doona.

Brazilianka hadda wuu ka baxay cisbitaalka waxa uuna soo kabashadiisa la sameyn doonaa diktoorka jirka ee reer Brazil physiotherapist Rafael Martini.

Neymar wuu seegi doonaa kulanka lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League-ga ee ay la leeyihiin Real Madrid.

26 jirka waxa uu dhaliyey 28 gool 30 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu ku soo biiray xagaagii hore.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close