Mohamed Salah oo ka farxiyay gabar Masaari ah

(Liverpool) 05 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka farxiyay gabar ay isku dal yihiin oo sawir gacmeed ka samaysay.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Shuruuq ayaa sawir gacmeed ka samaysay Mohamed Salah isaga oo xiran funaanada xulka Masar.

320

Waxayna sawirka ku baahisay Twitter-ka iyada oo codsatay in laga caawiyo sidii sawirkeeda uu ku arki lahaa xiddiga ay aadka u jeceshahay ee Mohamed Salah.

Balse laacibka ayaa arkay sawirkii, wuxuuna ugu soo jawaabay :Aad ayuu u qurux badanyahay, mahadsanid Shuruuq”.

Gabadha ayaa kadib ugu jawaab celisay Salah inuu yahay shaqsiga ka dhigay shacabka reer Masar kuwo madaxoodu uu kor yahay oo ay ula jeedo inuu kor u qaaday sharafta Masaarida.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close