“Meel aan jiifto ma heysto, Wiilkeygana Arsenal ayuu u ciyaaraa wuuna diiday inuu i caawiyo.”. Hooyo…+SAWIRRO

(London) 05 Maarso 2018. Maama dhashay mid ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ayaa ka sheekeysay dhibaatada ay ku jirto iyo inaysan hesan meel ay jiifato xilli ay uu wiilkeeda Mushaar xoogan uu ka qaato Gunners.
Ainsley, 20-jir ayaa diiday inuu caawiyo hooyadiisa Jule Niles, 38-jir oo jiifata Kunteenar aan Daaqado lahayn.
Da’yarka Arsenal ayaa isaga iyo walaalkiis ku nool Guri qaali ah oo ku kacaya 700,000 halka Hooyadood uu bannaanka qabowga ku dilayo.
Jule Niles ayaa Sheegtay in Kunteenarka ay iminka ku nooshahay Saddex bilood kaddib markii ay isku dheceen wiilkeedeeda Ainsley oo lagu qiimeeyay inuu ku kacayo adduun dhan 15-milyan oo bound.
“Waa Kunteenar ka sameysan Bir oona lahayn Daaqado ama Roog. Malahan Musqul iyo adeeg dhaq dhaqasho.
“Wiilkeyga Ainsley wuxuu guri iigu iibin karaa mushaarkiisa labo usbuuc ama labo bilood.
“Laakiin lacagaha aad ayay u farxad galinayaan isaga anigana xaaladan ayaan ku jiraa.
“Wiilkeyga Arsenal ayuu u ciyaaraa, anigana ma heysto Guri aan jiifto.
“Guri ma ahan, waan garanayaa dareenka guriga, inaad awoodo inaad qubeysato, aad ilkaha caddeysato aadna qolka fariisato.
“Waxaas oo dhan waan u xiisay, laakiin inta badan reerkeyga ayaan u xiisay.
“Waa wax cabsi leh. Waxaan doonayaa inaan ogaado qaladka aan galay.”.
Maamada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay aad uga baqaneyso in bannaanka loo soo saaro marka la ogaado inay Kunteenarka ku dhex nooshahay.
“Waxaan sugaa inta uu qofkasta uu gurigiisa ka aadayo oo ka jiifanayo, marka ay mugdi noqoto waa qalbi jab.
“Waxaa goobta isku daboola Baraf. Waxaan habeenkii Khamiista maqlay inuu Geeriyooda nin Guri la’aan ah.”.
Gool FM.