MAXAA KA HADAL SIIYEY TABABARE SIMEONE!? Jordi Alba oo ku digtay Atletico Madrid

(Catalonia) 05 Mar 2018. Barcelona waxa ay ku garaacday 1-0 ugu dhaweyd ee kula loolameysay horyaal iyaga oo uga mahadcelinaya buluskii caaqibada lahaa ee uu u dhaliyey Lionel Messi.

Kulanka kaddib Diego Simeone waxa uu sheegay in ay heli lahaayeen saddexda dhibcood haddii Messi safkooda ku jiri lahaa.

Hase ahaatee, Alba ayaa durba u jawaabay waxa uuna u sheegay tababaraha Atletico in ay nasiib darro tahay in kooxdiisu ahayd mida labaad ee kulanka fiicneyd.

Intaa kaddib dadabka biddix waxa uu amaanay laacibkii guusha siiyey kaas oo ka caawiyey Barcelona in ay tallaabo weyn u qaado xaqiijinta La liga.

“Nasiibkaa ku xumaa iyaga,” ayuu yiri Alba.

“Leo waxa uu joogaa Barca. Waa dunida ugu fiican.

“Waa mid naga dhiga in aan badino kulamada.

“Waa in aan qiimeynaa shaqada kooxda laakiin haysashada Messi waa faa’iido weyn.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close