LA YAAB! Ronaldo iyo Ramos oo shir qarsoodi ah la galay Zidane, ku amray in uusan safin mid ka mida ciyaaryahanada Real kuna farigaliyey shaxdii uu ku wajihi lahaa PSG!

(Madrid) 05 Mar 2018. Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa la wariyey in ay shir qarsoodi ah la galeen Zinedine Zidane.

Saddex shaqsi waxa ay ka wada hadleen shaxdii looga hortagi lahaa PSG iyo sida ugu macquulsan ee looga badin karo.

Real Madrid waxa ay gegida Perc de Princes la tegi doontaa iyada oo wadata natiijo 3-1 iyada u hiilineysa.

Hase ahaatee, Ronaldo iyo Ramos waxaa muuqata in ay ku adkeysteen in Isco kooxda lagu darin.

Majaladda ka soo baxda Spain ee loo yaqaan Diario Gol waxa ay sheegtay in ay isku wada afgarteen in daafaca ay ka ciyaaraan  Dani Carvajal, Raphael Varane, Ramos iyo  Marcelo.

Real waxa ay dooneysaa in weerarka ay isku garabsadaan Ronaldo with Karim Benzema iyo  Gareth Bale.

Hase aahaatee, Zidane waxaa la sheegay in uu daneenayo shaxdiisa in uu u bedelo 4-4-2 oo uu Bale ka dheeli garabka khadka dhexe.

Iyada oo lagu wado in ay kulanka seegaan Kroos iyo Modric, Ronaldo iyo Ramos waxa ay rabaan in ay xaqiijiyaan in Isco dhexda ku wehelin Casemiro.

Diario Gol waxa ay sheegtay in ay rabaan in Asensio lagu aamino boos safka kowaad ah haddii mid ka mida ciyaaryahanada dhexda maqaado.

Ramos waxaa wax laga weydiiyey kulaka qarsoodiga ah ee loogu diyaar garoobayo kulanka waxa uuna yiri: “Aad ayey u adkaan doontaa, laakiin waxaan u dagaalami doonnaa si aan u garn hadafkeena.

“Waan ognahay in aan ol’oleha ciyaareyno. Waxaan u baahannahay in aan niyaddeena soo jeediyo aan sidii halkan u dheelno.

“Waxa ay haystaan awood weerar oo badan, laakiin waxaan haysannaa hubkeenna. Waxaan isku dayyi doonnaa in aan xanuujinno Paris.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close