JOOJI BIRTA! Wiilka Ronaldo oo laga digayo xaaladiisa caafimaad haddii uu ka hari waayey ku dayashada aabihii! (Aqri sheekadan xiisaha badan)

(Madrid) 05 Mar 2018. Aabe Cristiano Ronaldo oo faraxsan ayaa soo dhigay baraha bulshada sawir uu wilkiisa 7-sano jirka ah isaga iska yeel yeelayo dhawr maalmood kahor.

Sawirka Ronaldo Jr waxa uu ku faanayaa murqihiisa uu ka sameeyey GYM-ka isaga oo soo raaciyey qoraalkan: “Jr waxaad dhahdaa aabe sidaada oo kale ayaan noqonayaa!!! Maxaad ka leedihiin?

Taas waxa ay abuurtay falcelinno amaan loogu jeedinayo wiilka iyo aabihiis, qaar ayaa yiri: “Wiilka wali wuu yaryahay waxa uuna leeyahay murqo”.

Laakiin qof walba lama dhicin arintaas –  qaar ayaa walaac ka muujiyey curudka laacibka in uu isaga oo yar bilaabay jir dhiska.

Mid ayaa qoray: “Ma qabo in ay caafimaad u tahay 7-jir in uu sidaas u tababarto laakiin wiilow yelkaa.”

Mid kale ayaa yiri: “Waxaan qabaa in ay aad ugu badan tahay, wiilka book u dhiib. Mid saddexaad ayaa ku daray: “Waxa uu u muuqdaa lix jir, aad ayuu u yaryahay.”

Miyey u xun tahay 7 jir in uu GYM-ka  galo?

Diktoorad khibiir ah,Dr Cooper waxa ay sheegtay in waalidka ka taxadaraan in ay carruurtooda isku ilaawaan Gymka maadama ay waxyeelo u geysaneyso caadimaadkooda.

Waxa ay u sheegtay Sun Online: “In culeys lagu tababaro carruurta ma aha mid dhib keeneysa laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo taxadar lagu sameyn karo waana in taas la qaataa.

“Tababarka waa in uu la jaanqaadi karaa da’da cuniga iyo taam ahaanshihiisa waxaana la rabaa in la hago, waxa ay u baahan yihiin in ay nastaan tababarada inta u dhexeysa  iyo marka ay ka soo baxaan.

“Ma aha in ay maalin walba tababartaan. Tababarka waxaa laga rabaa in uu kala duwanaado oo aysan ku dhaawacmin.

“Mid ka mida halista waxaa weeye in murqaha aad loo dhiso ay lafaha ku keenayaan dhibaato, maxaa yeelay murqaha waxa ay ku ag dhaggan yihiin lafta waana ku wali koraya ilaa iyo sanadka 18.

“Halista ayaa ah in waxyeelo ku imaaneyso halka murqaha uga dhaggan yihiin lafta. Sidoo kale dhaawac ayaa dhici kara oo caadi ka ah carruurta.

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano) on

“Qaar ayaa aaminsan in lafta xilli hore joojin karto koritaanka sababo ka dhalaya tababarka culeyska iyo jir dhiska, markaa waa arin adag.

“Waxaas oo dhan waxaa looga gaashaaman karaa tababare khamiir ah oo hakaya laakiin ma aha in la fududeysto.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close