“Inta aan taabtay kubadda ayaa yareyd”, – Hazard oo dhaliilay qaab ciyaareedkii Chelsea ee kulankii xalay

(London) 05 Mar 2018. Eden Hazard waxa uu qiray in Chelsea aysan awoodeeda dheelin kulankii ay jabka kala kulmeen Mancehster City isaga oo cadeeyey in ay xaaladdu wacnaan lahayd haddii ay weerarka ka ciyaari lahaayeen Alvaro Morata iyo Olivier Giroud.

Hazard waxa uu ahaa mid uun garoonka iska dhex taagan xilli City hoggaanka ku qabatay 18 dhibcood kaddib guushii 1-0 ahayd.

Superstar-ka reer Belgium, kaas oo ku guuldareystay in uu saameyn yeesho kaddina lagu bedelay Moarta waxa uu sheegay in uu dareemay taageero la’aan uu ku wajoho daafacyada dhexe ee City.

“Waxaan lahaa dareenka ah in aan ordo, laakiin ma ciyaarin kubadd cag. Sidaas ayey u xun tahay,” ayuu yiri. “Waxaan dheeli karnay saddex saacadood, laakii ma taabteen kubadda.

Kaliya waxa ay ciyaarta wacnaatay dhammaadkii. Waxaan isku dayayey in aan boodo laakiin ma fududa in looga adkaado kor Nicolas Otamendi and Aymeric Laporte.

“Tayadeena kuma aynaan ciyaarin, haddii ay dheeli lahaayeen Alvaro Morata ama Giroud, wey fududan lahayd in la dheelo kubaddaha tuuryada ah. Laakiin waxaan isku dayay heerkeyga ugu fiican”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close