Ciyaaryahanada Chelsea oo wada argagaxay kaddib markii uu ku hor suuxay N’Golo Kante……Maxaa ku dhacay waase sidee xaalkiisa?

(London) 05 Mar 2018. Ciyaaryahanada Chelsea argagax ayaa ku dhacay xilli ay ku sugnaayeen tababarka kahor kulankii Macehsetr City.

N’Golo Kante  waxaa laga reebay safkii wajahay City waxaana loo aaneeyey xanuun.

Cesc Fabregas ayaa bedelay France-siiska oo ka garab ciyaray Drinkwater laakiin waxaa daaha laga rogay xaalad walaaceeda leh.

Majaladda Telegraph waxa ay sheegtay in Kante ku matagay xarunta Cobham ee tababarka Chelsea laba maalin kahor ciyaartii Etihad.

Ciyaaryahanada Chelsea wey argagaxeen maadama ay moodeen in wadno xanuun ku dhacay Kante kaddib markii uu ku dhacay darbiga qolka labiska ee tababarka.

Intaas kaddib Kante waxaa loo geeyey dhakhaatiis takhasus leh oo xaaladdiisa baaray.

Subixii axada ee loo ballansanaa ciyaarta xaaladiisa ma wacneyn taas oo keentay in aan shaxda lagu soo darin laakiin waxa uu ku soo laabtay tababarka maanta oo isniin ahayd.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close