Mohamed Salah oo ka saramaray dhamaan weerar yahanada 5-ta horyaal ee ugu wayn yurub

(Liverpool) 04 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohmaed Salah ayaa sii wada shaqada fiican ee uu u haayo kooxdiisa xiliciyaareed kaan.

Salah ayaa ka caawiyay xalay Liverpool guushii ay ka gaartay Newcastle United oo marti u ahayd, isaga ayaana dhaliyay mid kamid ah 2-da gool ee ay ku adkaatay kooxdiisa.

Hadaba goolkaas muxuu uga dhignaa Mohamed Salah:

1: Mohamed Salah ayaa ka saramaray dhamaan weerar yahanada ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu wayn yurub kadib markii uu soo taabtay shabaqa kooxaha ka soo horjeeda 26-kulan, mana jiro weerar yahan xiliciyaareed kaan 26-kulan gool dhaliyay 5-ta horyaal ee ugu wayn yurub.

2: Mohamed Salah ayaa ka saramaray goolashii Luis Suarez uu u dhaliyay Liverpool hal xiliciyaareed oo ah 31-gool tartamada oo dhan, wuxuuna haatan dhaliyay 32-gool.

3: Mohamed Salah ayaa soo barbareeyay Harry Kane kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 24 ee horyaalka ingiriiska, labadooda ayaana haatan haaya hogaanka gool dhalinta Premier League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close