LA LIGA: Baorcelona oo iska reebtay Atletico Madrid

(Catalonia) 04 Mar 2018. Barcelona waxa ay tallaabo weyn hore ugu qaaday hanashada La Liga kaddib markii ay meel saartay Atletico Madrid oo loolanka ugu adag kula jirta.

Lionel Messi ayaa daqiiqaddii 23-aad ugu shubay Jan Oblak darbo xor ah oo aad u qurux badneyn waxa uuna noqday kii go’aamiyey ciyarta.

Atleti gool ayey heshay dhammadkii ciyaarta laakiin calanwadaha ayaa a dhigay garab dhaaf.

Intii ay dheesha socotay, qeybtii hore waxaa dhaawac soo gaaray Andres Iniesta oo lagu bedelay Gomes.

Hadda Barcelona 8dhibcood ayey hoggaanka uga haysaa kooxda ugu soo dhaw oo ah midda ah caawa iska reetay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close