Kroos iyo Modric oo dib ugu soo laabtay tababarka Real Madrid

(Madrid) 04 Mar 2018. War wanaagsan ayuu helay Zinedine Zidane kaddib markii ay axaddii tababarka ugu soo laabteen Toni Kroos iyo  Luka Modric.

Iyada oo ay 48 saacadood oo qura ka harsan tahay in ay wajahaan Paris Saint-Germain kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka, Zidane waxaa qasab ku ah in uu go’aansado taam u ahaanshahooda ciyartaas.

Labada saddex toddobaad ayey ka maqnaayeen garoomada.

Waxaa suuratgal in labadaba ka soo  muuqdaan kulanka Parc des Princes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close