Iniesta oo shaki laga galinayo kulanka Barca iyo Chelsea

(Catalonia) 04 Mar 2018. Xiddigga Barcelona Andres Iniesta shaki ayaa laga galinayaa in uu dheeli doono kulanka Chelsea ee lugta labaad wareegga 16ka Champions League-ga kaddib markii uu booday muruq ciyaartii axada ee Atletico Madrid.

Iniesta waxa uu ka baxay ciyaarta daqiiqaddii 34-aad kulanka oo ay 1-0 ku adkaadeen.

Barcelona waxa ay Chelsea soo dhaweyn doontaa 14-ka Maarso si ay u carbuunato booskeeda sideed dhammaadka.

“La’aanta Ineista waxaan waayeenaa ciyaaryahan gaar ah, oo aan la bedelin Karin,” ayuu u sheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Wey adag tahay in la helo bedelkiisa maxaa yeelay ma jiro qof isaga badal sax ah u ah dunida. Aan rejeyno in dhaawucu halis noqon.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close