“Haddii aan Messi u galino funaanadda Atletico waxan ku badineyna 1-0”.

(Madrid) 04 Mar 2018. Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa qishay in Lionel Messi ahaa kala duwanaansha labada kooxood waxa uuna sheegay in ay 1-0 ku badin lahaayeen haddii uu iyaga la jiri lahaa.

Lionel Messi ayaa ugu shubay goolwale Jan Oblak darbo xor ah oo inaba aan caadi ahayn ciyaartii axaddii ka dhacay Camp Nou ee ku soo idlaatay 1-0.

Goolkaas waxa uu ka caawiyey Catalans in ay iska reebaan Rojiblancos oo kula loolameysay La Liga iyaga oo hadda faqriga dhibcaha u dhexeeya ka dhigay sideed.

Simeone waxa uu yiri kulanka kaddib:  “Haddii soo qabato Messi oo aad u galiso maaliyadda Atletico, waxaan kulanka ku badineynaa 1-0.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close