EPL: Brighton & Hove Albion oo karbaashtay Arsenal

(London) 04 Mar 2018. Kooxda dhawaan ka soo dallacday horyaalka heerka labaad ee England Brighton & Hove Albion. ayaa 2-1 uga badisay Arsenal.

Lewis Dunk ayaa daqiiqaddii toddobaad ku bilaabay goolasha Gunners kaddib kubadd ka timid geeska ka laadka.
Waxaa u labeeyey Arsenal daqiiqaddii 26-aad Glenn Murray.
Inta aysan dhammaan qeybtii hore, daqiiqaddii 43-aad waxaa goolka qura ee ay heshay Arsenal u saxiixay Pierre-Emerick Aubameyang.
Qeybtii dambe fursado wey heshay Gunners balse midna kama soo gudin goolka.
Kaalinta lixaad ayey fadhidaa wali Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close