HORDHAC: Liverpool vs Newcastle United

(England) 03 Maarso 2018. Liverpool ayaa saddexaad si ku meel gaar ah ku sii nasan doonta haddii ay ka adkaato Newcastle United oo marti u ah caawa.

Wararka Labada dhinac:

Liverpool ayaa qiimeyneysa xaaladaha James Milner oo laga dawaynayo dhaawac iyo Georginio Wijnaldum iyo Ben Woodburn oo xanuun qaba.

Daafaca garabka ee Nathaniel Clyne  ayaa weli ka soo kabanaya dhaawac dhabarka ah wuuna seegi doonaa kulanka.

Xiddiga qadka dhexe ee Newcastle Jonjo Shelvey ayaa seegi doona kulanka ay u safarayaan kooxdiisii hore kaddib dhaawac jilibka ka gaaray kulankii ay 2-2 la galeen Bournemouth sabtidii la soo dhaafay.

Dwight Gayle iyo Matt Ritchie ayaa dib u helay taam ahaanshahooda balse Islam Slimani wuu maqnaan doonaa.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Liverpool vs Newcastle (Premier League)

Goobta: Anfield

Goorta: 8:30 Habeenimo

Garsoorka: Graham Scott (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

◾Liverpool lagama adkaan 21-kulan oo Premier League ay Anfield kula ciyaartay Newcastle tan iyo guul daradii 2-0 ee bishii Abriil 1994 (17-guul, 4-bar baro)

◾Reds ayaa dhigi karta Rikoodh ah 22 kulan oo xiriir ah ay goolal gurigeeda uga dhalineyso hal koox.

◾Newcastle United ayaa kulamadii ugu badnaa oo guul la’aan ah ay bannaanka kala kulmaan waxay ka soo gaartay Manchester United 29-kulan oo xiriir ah oo soo afjarmay 2012 iyo 22-kulan oo Chelsea oo soo afjarmay 1981.

◾Naadiga lagu naaneyso Magpies ayaa afar ciyaartooy kaarka cas laga siiyay afartii kulan ee ugu dambeeyay ay soo booqato Anfield.

Safafka Macquulka ah ee Liverpool vs Newcastle:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close