EPL: Saalax iyo Mane oo kaalinta labaad u horseeday Liverpool

(Liverpool) 03 Mar 2018. Liverpool waxa ay si sahal ah ku martay Newcastle United oo ku soo booqatay Anfield kulan ka tirsana Premier League-ga.

Reds guushaas waxa ay si KMG ah u galisay kaalinta labaad maadama Mancehster United ay isniinta ciyaari doonto.

Liverpool waxaa goolka kowaad u dhaliyey Maxamed Saalax daqiiqadii 30-aad halka uu guusha u xaqiijiyey Sadio Mane oo isna markii ay saacaddu dul taagneyd 55 labeeyey.

Liverpool waxa ay toddobaadka dambe booqan doonta Old Trafford kulan ka mida kuwa ugu adag dunida.

Labadooda tii badisa ayaa ugu yaraan xalaaleysan doonta kaalinta labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close