DEG DEG: Waa lagu guuleystay Qaliinkii la marsiiyay Neymar

(Brazil) 03 Maarso 2018. Qaliinkii lafaha cagta laga marsiiyay wiilka reer Brazil ayaa lagu guuleystay sida uu shaaciyay xiriirka kubbada cagta dalka Brazil.

“Qaliinkii wuu dhammaaday, Neymar wuxuu durba joogaa qolkiisa, waa lagu guuleystay.” Qof u hadlayay xiriirka kubbada cagta Brazil ayaa sidaa yiri.

Neymar arrived in Brazil with his mother ahead of undergoing surgery on his broken foot

Laacibka PSG ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan Labo bilood halka Dhakhtarka xulka Brazil Rodrigo Lasmar uu sheegay inuu laacibka maqnaan doono labo ilaa saddex bilood.

Neymar ayaa la filayaa inuu taam u noqdo koobka adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka iyadoo uu Brazil kulanka furitaanka la yeelan doono Switzerland 17-da bisha June.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close