Wenger oo xalay sameeyay arin uu ku cadeeyay in waqtigiisii Arsenal uu dhamaaday

(London) 02 Maarso 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xalay sameeyay arin uu ku muujiyay in waqtigiisii Gunners uu soo idlaaday.

Tan iyo guul daradii ka soo gaartay City ee Final-ka League Cup, madaxda kooxda ayaa cadaadis wayn ku haayay tababare Arsene Wenger.

Tababaraha reer France ayaa doonayay inuu u muujiyo maamulka kooxdiisa in wali uu yahay tababare laylin kara kooxda, balse goolkii Sane ayaa ka dhigay mid ka niyad jaba shaqadiisa Arsenal.

Arsene Wenger ayaa la arkayay isaga oo si aan looga baran madaxiisa hoos u aadiyay maadama uu xaqiiqsaday inuusan sii wadi karin shaqada Arsenal.

DAAWO MUUQAALKAAN:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close