PSG oo qorshaynaysa inay ka farxiso laacibkeeda dhaawacan ee Neymar kulanka Real Madrid

(Paris) 02 Maarso 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay qorshaynayso inay ka farxiso Neymar kulanka Real Madrid.

Unai Emery ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonayso inay guul ka gaarto Real Madrid si ay ugu hadiyeeyso laacibkeeda dhaawaca qaba ee Neymar.

PSG ayaa talaadada garoonkeeda ku marti qaadi doonta Real Madrid oo 3-1 uga soo adkaatay kulankii lugta hore xili Neymar oo qaliin lagu sameeyay uu seegi doono kulankaas.

“Waa inaan jawaab bixinaa la’aanta Neymar, waxaan doonaynaa inaan u hadiyeeyno guul, waxaan la ciyaaraynaa Real anaga oo kalsooni qabna” ayuu yiri Unai Emery.

“Dad badan ayaa daawan doona kulankaas, aad ayaan ugu rajo waynahay, waan ogahay inaan awoodno inaan garaaci karno” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close