Lionel Messi oo tababar ku qaadanaya xerada Tababarka Real Madrid…(SABAB???)

(Spain) 02 Maarso 2018. Lionel Messi ayaa tababar ku sameyn doona xerada kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Real Madrid.

Xulka Argentina ayaa kulan saaxiibtinimo ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka la yeelan doona Spain waxayna tababarka ku sii qaadan doonaan xerada Los Blancos ee Valdebebas ka hor kulankooda.

Spain ayaa marti galin doona xulka Argentina 27-ka bishan Maarso iyagoona ku wada ciyaari doona gegada Wanda Metropolitano ee naadiga Atletico.

Sida uu sheegayo Clarin, Kabtan Messi iyo xarfaantiisa ayaa Tababarka ugu sameynaya Valdebebas labo sababo dartood, Inuu leeyahay tas hiilaad sare iyo inuu u dhow yahay garoonka diyaaradaha.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close