Kooxaha AC Milan & Inter oo iskula dheggan Arturo Vidal (Wadahadal socda)

(Milano) 02 Maarso 2018 – Kooxaha AC Milan iyo Inter Milan ayaa la hadal hayaa inay iskula dheggan yihiin raacaha khadka dhexe ee Bayern Munich jaalle Arturo Vidal oo ay xagaaga doonayaan.

Labadan naadi ayaa Axadda geesaha iskula gelaya ciyaarta Derby della Madonnina, balse halkaa sheekadu ku hari maysoo sida uu qorayo warsidaha Tuttosport, waxay sidoo kale isku hayaan Vidal oo ay Juun dalban doonaan.

Wargaysku wuxuu sheegayaa in ay labada kooxiba durba wada hadal la bilaabeen laacibkii hore ee Juventus kaasoo uu qandaraaskiisu dhacayo 2019. Vidal ayaa dheeraad ku noqonaya Bayern oo xagaaga soo qaadanaysa xiddig-yaraha Schalke ee Leon Goretzka, oo ay u arkaan ninkii Vidal bedeli lahaa.

30-jirkan ayaa la sheegayaa inuu xiisaynayo inuu dib ugu laabto xeebaha Talyaaniga oo ah halkii uu 3 horyaal oo xiriir ah kula qaaday kooxda Old Lady, kahor intaanu ku biirin camaaliqada reer German sanadkii 2015.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close