”Koobka Adduunka waxaan taageeri doonaa MASAR” – Stephan El Shaarawy

(Roma) 02 Maarso 2018 – Garab-weerarka AS Roma ee Stephan El Shaarawy ayaa daboolka ka qaaday inuu Koobka Adduunka 2018 taageeri doono xulka dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Masar.

Xulka Talyaaniga ayaa sanadkan markii ugu horreeysey muddo 60 sano ah ka haray Koobka Adduunka, taasoo keentay inuu El Shaarawy ka fikiro dalkii uu taageeri lahaa, waana midka uu aabihii kasoo jeedo, isagoo sidoo kale ka hadlay ujeeddooyinkiisa Roma.

“Ujeeddooyinkaygu waa dhalinta goolal badan iyo inaan Roma la gaaro kaalinta 4-aad,” ayuu ku yiri LaRoma24.it.

“Koobka Adduunka, waxaan taageeri doonaa Masar. Laacibka aan ku daydo? Had iyo goor waa KakaI.” ayuu daba dhigay.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-10-09 17:07:10Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com¼¢ÿwåÕ/

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close