Gerard Pique oo xalay laga qabtay garsooraha kulankii Barcelona ay barbaraha la gashay Las Palmas

(Barcelona) 02 Maarso 2018 Daafaca Barcelona ee Gerard Pique ayaa wajihi kara ganaax kadib markii xalay uu weerar ku qaaday garsooraha kulankii Las Palmas.

Gerard Pique ayaa ka carooday rigoore lagu galay Luis Suarez oo garsooruhu uu iska indho tiray inuu u dhigo Barcelona dhamaadka qaybtii hore.

Waxaa caradiisa sii kululeeyay rigooradii laga dhigay kooxdiisa qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana xusid mudan in laacibku uu keydka ka daawanayay ciyaarta maadama uu dhaawac qabo.

Markii uu garsooruhu ku dhawaaqay seeriga dhamaadka ciyaarta, Gerard Pique oo ku hadlayay hadalo uu ku aflagaadeynayo garsooraha ayaa u soo dhaqaaqay dhankiisa, balse shaqsi kamid ah shaqaalaha Barca ayaa si awood leh ku celiyay.

Gerard Pique ayeey ka go’nayd inuu meel saaro garsooraha oo uu u arkayay mid nacayb gaar ah u qaba kooxdiisa Barcelona, laacibka ayaana mutaysan kara ganaax.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close