Wax cusub oo CAAWA aad ku arki doonto Emirates Stadium inta ay socoto ciyaarta Arsenal iyo Man City

(London) 01 Maarso 2018 Qof walba oo doonaya caawa inuu daawado kulanka u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City wuxuu garoonka ku arki doonaa si kabadalin sida looga bartay garoomada kale.

Shaqaalaha garoonka ayaa go’aansaday inay adeegsadaan Rinji Buluug ah si loogu calaamadeeyo garoonka maadama uu da’ayo baraf.

Waxaa laga cabsaday in la kala saari waayo halka ay tahay xariijinta sharciga ah maadama Rinjiga sida caadiga ah garoomada loo adeegsado uu yahay cadaan.

Si looga hortago isku ekaanshaha rinjiga cadaanka iyo barafka ayaa la go’aamiyay in garoonka lagu calaamadeeyo Rinji buluug ah sida kaaga muuqata sawirada.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close