Waa sidee xaalada garoonka Emirates saacado yar ka hor kulanka Arsenal vs Man City? (SAWIRRO)

(London) 01 Maarso 2018 Shaqaalaha Emirates Stadium ayaa aad ugu dadaalaya sidii garoonka looga saari lahaa barafka waqti yar kadiba soo buux dhaafinaya.

Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ciyaartu ay u dhacayso sidii loogu talo galay, waxaana jirta wali cabsi yar oo ku aadan in kulanku uu baaqan karo.

Ciyaartoyda Manchester City ayaa si qasab ah lagu keenay magaalada London kadib markii ay codsadeen in ciyaarta la baajiyo maadama uu da’ayo baraf xoogan balse FA-ga ayaa u sheegay in 3-da dhibic lagu wareejinayo Arsenal iyagana ay wajahayaan ganaax.

Sida haatan ay wax u socdaan ayaa muujinaysa in ciyaarta lagu ciyaarayo waqtigii loogu talo galay oo haatan ay naga xigto ku dhawaad laba saac iyo bar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close