Thibaut Courtois oo si wayn uga horyimid badalkii tababare Conte uu u taagay Hazard kulankii Man United

(London) 28 Feb 2018 Goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa ka horyimid badalkii tababare Antonio Conte uu badalay Hazard kulankii Manchester United.

Tababaraha reer talyaani ayaa ciyaarta ka saaray Eden Hazard oo ahaa caawiyihii goolkii Willian, taas oo su’aal uu ka keenay Thibaut Courtois.

“Wax fasiraad ah uma haayo badalkii Eden Hazard” ayuu yiri Thibaut Courtois oo waraysi gaar ah siiyay wargays ka soo baxa Belgium.

“Ma aanan filayn badalkaas, laakiin ugu danbayntii waa go’aanka tababaraha, waa inuu fasiraad ka bixiyaa si aan u fahano, ma awoodo inaan dhex galo maskaxdiisa”.

“Laacib Hazard oo kale ah waa inuu 90-ka daqiiqo ku jiraa garoonka, wuxuu awoodaa marwalba inuu wax yaabo cajiib ah ka sameeyo dhanka weerarka”.

Hadalka Thibaut Courtois ayaa ku soo aadaya xili Chelsea ay mar kale u safri doonto magaalada Manchester axada markaas oo ay la ciyaarayso City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close