RASMI: PSG oo xaqiijisay in Neymar qallin lagu sameyn doono

(Paris) 28 Feb 2018. Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay in Neymar qalliin looga sameyn doono suulka ka dismay.

Laacibkii hore ee Barcelona wuu seegi doonaa kulan lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League-ga ee ay PSG la leedahay Real Madrid kaddib markii uu suulkiisa ku dhaawacmay ciyaartii Marseille.

“Dabcan wuu ka maqan yahay kulanka Real Madrid. Haddii qof kale si kale u arko waa wax la yaab leh,” ayuu u sheegay  Neymar aabihii ESPN Brazil.

“Dhammaadka April, Neymar wuu awoodii doonaa in uu dheelo kubadda cagta.”

Hadda PSG ayaa xaqiijisay.

WARBIXIN KA SOO BAXDAY KOOXDA

“Kaddib saddex maalin oo daweyn hore lagu sameeyey oo ku tacaluqday daawo borotokool ahaan xadidneyn, go’aan wadajir ah waxaa gaaray kooxda caafimaadka, Paris Saint – Germain iyo xulka qaranka Brazil.

“Iyada oo lala tashaday ciyaaryahanka, waxaa la go’aansaday in Neymar Jr qalliin loogu sameeyo Brazil dhammaadka toddobaadkan.

“Waxaa qali doonaa Dr. Rodrigo Lasmar, oo uu wehelin doono Professor Sailant oo matalaya PSG.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close