Matic: McTominay waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan weyn

(Manchester) 28 Feb 2018. Nemanja Matic waxa uu ku tilmaamay da’yarka khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay mid hibo sare leh.

21 jirka reer England waxa uu ku soo bilowday saddexdii kulan ee ugu dambeeyey Red Devils sida Sevilla iyo Chelsea.

Matic aad ayuu ula tacajabay da’yarka bandhigyadiisa intii uu dhexda kala ciyaarayey.

“Waa cajiib. Waa 21 jir iyo in uu sidaas u dheelo kulankii Chelsea oo uu sidaas u xakameeyo ciyaarta taasi waa cajiib,” ayey ka soo xigatay Sky Sports. “Waxa uu  u noqon doonaa Manchester United ciyaaryahan weyn .

“Waan jeclahay maxaa yeelay waa shaqsi wnaagsan, mana jirto dhib la’iska weydiiyo ciyaarta kahor. Mar walba waxaan diyaar u yahay in aan caawiyo.Markii aan imid Manchester, waxaan arkay dhawr maalmod, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan weyn.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close