Liverpool oo ‘Heshiis la gaartay’ Thomas Lemar

(Liverpool) 24 Jan 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in ay tallaabo ku dhawaatay Liverpool la soo wareegidda xiddigga AS Monoco Thomas Lemar.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay tiro ka mida kooxaha Premier League-ga ayaa lala xiriirinayey France-siiska oo ka fekeraya halkii uu sal dhigan lahaa kahor ololaha soo socda.

Warbixinadu waxa ay sheegayaan in Arsenal iyo Liverpool ay ku raad jogeen Lemar balse sida ay qabto Yahoo Sports, Merseyside ayaa ku gacan sareeysa helidda 22 jirka.

Warbixintu sidoo kale waxa ay qortay in Liverpool heshiis la gaartay ciyaaryahanka walow aysan diyaar u ahayn  bixinta lacagta (€100m (£87.51m).

) Monoco ku dooneyso ciyaaryahankeeda.

Bilowgii toddobaadkan waxaa la sheegay in Lemar daneenayo ku biiridda Barcelona.

Lemar wali dib uma helin bandhig ciyaareedkiisii wacnaa eek al hore balse waxa uu dhaliyey 2 gool shan jeerna caawin ayuu sameeyey 16 kulan oo uu Ligue 1-ka soo muuqday.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close