LAZ VS ACM 0-0 (4-5)…AC Milan oo Juve kula biirtay final-ka Coppa Italia + Sawirro

(Roma) 28 Feb 2018 – Kooxda AC Milan ayaa markii 2-aad muddo 3 sano ah usoo baxday final-ka Coppa Italia kaddib markii ay 5-4 gurigeeda uga badisay kooxda Lazio oo ay 120 daqiiqo 0-0 isla dhaafi waayeen.

Strakosha iyo Donnarumma ayaa min laba kubadood qabtay halka uu Lazio goolkii ay ku hartay uu ka cunay Luiz Felipe oo kubadda hawada mariyay, kahor intaanu goolka guusha Milan u dhalinin taageeraha Lazio ee Alessio Romagnoli oo daafaca uga dheela Milan.

Dhanka kale, ciyaarta kale ee nus-dhamaadka Koobka Talyaaniga waxaa Milan la ballansan Juventus oo rigoore muran ka joogo uga badisay kooxda yar ee Atalanta, waxaana rigoorahaasi u dhaliyay Pjanic, sidaa ayayna 2-0 isu gayn ahaan Juve final-kii 4-aad oo xiriir ah ugusoo baxday.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close