HALAAGII DHACAY LOOMA KALA HARIN: Weligaa ma aragtay Koox sidan oo kale loogu fal falaaday…(DAAWO)

(South Africa) 28 Feb 2018. Naadiga Kaizer Chiefs ee dalka South Africa ayaa go’aansatay inay si kal iyo laab ah u madadaaliso taageerayaasheeda mar ay la ciyaareysay Platinum Stars.

Naadiga lagu neeneyso Amakhosi ayaa mar ay kulanka ku hogaamineysay 4-2 go’aansatay inay taageerayaasha u soo bandhigaan farsamooyinkooda cajiibka ah dhammaadka ciyaarta iyagoona si xun ugu fal falaaday Platinum Stars.

Arrinkan ayaa fikir ahaan lagu kala qeybsamay oo dadka qaar ayaa la dhacsan bandhiga cajiibka ah ay soo bandhigeen xiddigaha Kaizer Chiefs halka kuwa qaarna ay aaminsan yihiin inay tahay bahdilaad oo aan kubbada cagta shaqo ku lahayn.

Adiga kuwee raacsan tahay Facebook noogu reeb Fikirkaaga?

Bal DAAWO adigaa yaabi doonee:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close