Giggs: Bale wuu ku faraxsan yahay Real Madrid

(Cardiff) 28 Feb 2018. Tababaraha Wales Ryan Giggs waxa uu sheegay in Gareth Bale ku faraxsan yahay Real Madrid oo uusan riixeyn ku soo noqoshada Premier Leage-ga.

28 jirka hadda uma xaqiijisanaya booska kowaad ee safka Zinedine Zidane.

Kaddib markii uu keydka uga soo bilowday kulamadii Paris Saint-Germain, Real Sociedad iyo Leganes waxaa soo baxay warar sheegaya in Bale isaga huleelayo Spain.

Hase ahaatee, aragti taas ka bedelan ayuu qabaa Giggs oo ah tababarihiisa xulka.

“Mustaqbalkiisa walaac iguma hayso, waxa uu joogaa koox cajiib ah,” ayuu Sky Sports News u sheegay.

“Marka aad joogto koox heer sare ah, waan aqaan waxaad si joogta ugu jireysaa ammaan darro. Waxaan u tagay in aan soo arko waana mid faraxsan.

“Kuma uusan faraxsaneyn in uusan ku soo bilaaban, laakiin dhawrkii kulan ee xigay wuu ku soo bilowday. Waa taam waxaana ka muuqda wanaag. Saameyn ayuu yeeshay markii uu soo galay kulankii PSG. Qof walba wuu ogyahay sida uu muhiim u yahay Gareth. Gareth oo taam ah, bed qaba saameyn ceynkaas ah ayuu yeeshaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close