Dortmund oo qandaraaska u kordhineysa Marco Reus

(Dortmund) 28 Feb 2018. Agaasimaha ciyaarayaha ee Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa ku dhawaaqay in kooxdu dar dar galisay wadahadallada qandaraas kordhinta Marco Reus kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawicii jilibka.

28 jirka waxaa uga dhiman heshiiska uu kula jiro BVB 18 bilood oo kaliya.

Reus ttan iyo markii uu ka soo kacay dhaawaca waxa uu soo bandhigay qaab ciyareed wanaagsan isaga oo laba gool ku dhaliyey shan kulan.

Zorc waxa uu rajeynayaa in laga mira dhaliyo wadahadallada.

“Waan la soconnaa in Marco dooneynin in uu wadahadallo qandaraas ah galo markii uu dhaawacnaa,” ayuu u sheegay Bild. “Dabcan, hadda waan dar dar galin doonnaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close