De Gea oo qarka u saaran in uu qandaraas cusub u saxiixo Manchester United

(Manchester) 28 Feb 2018. Waxaa la soo warinayaa in David de Gea uu qarka u saaran yahay in uu qandaraas cusub qallinka ugu duugo Mancehster United.

Shaki badan ayaa in muddo ah ku geedannaa aayaha Spaniad-ka oo si weyn loola xiriirinayo Real Madrid.

Los Blancos waxa ay isku dayday in ay la saxiixato marar badan iyada oo qarka u fuushay habenkii uu suuqa xirmayey 2015kii.

Hase ahaatee, Manchester United ayaa hadda dooneysa in ay ka dhigto mid ka mida ciyaaryahanada ugu mushaarka badan Old Trafford.

De Gea waa mid ka mida xiddigaha fara ku tiriska ah ee ka haray maamulkii Sir Alex Ferguson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close