Asensio: Waxaan u imi Real in aan joogo oo aan dhaliyo goolal badan

(Madrid) 28 Feb 2018. Xiddigga Real Madrid Marco Asensio waxa uu qiimeyn ku sameeyey waayihiisa ciyaareed ilaa iyo hadda, waxa uu sheegay in uu mar wala isku dayo in uu wax walba oo karaankiisa ah u sameeyo maaliyadda Los Blancos.

Ol’olehan waxa uu dhaliyey Spaniard-ka 7 gool.

“Mar walba waxaan isku dayaa wax walba ee igu aray,” ayuu ku sheegay muuqaal xayeysiin loogu sameenayey Nike.

“In aad gaarto kooxda ugu weyn dunida, halkaas oo ay joogan malaayiin taageereyaal ah iyo cadaadis ba’an waxa ay ahayd is bedel dhib badan.

“Kulankeygii ugu horreeyey waxa uu ahaa kama dambeys, waxaan dhaliyey gool waxaana ku guuleystay koobkeygii ugu horreeyey.

“Dhammaan kulamadeydii igu horreeyey ee aan tartan walba dheelo waxaan dhalinayey goolal waxaana u imid Madrid in aan joogo oo aan dhaliyo goolal badan.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close