Ronaldo iyo Mohamed Salah oo maamuus loogu samaynayo Zurich (Maxay ku mutaysteen?)

(Zurich) 27 Feb 2018 Shirkad ku taala dalka Switzerland ayaa go’aansatay inay maamuus gaar ah u samayso Mohamed Salah iyo Cristiano Ronaldo.

Xulalka Masar iyo Portugal ayaa go’aansaday inay tababar ku qaataan dalka Switzerland ka hor koobka adduunka, labada xul ayaana wada ciyaari doona kulan saaxiibtinimo.

Shirkada gacanta ku haysa qaban qaabada tababarka xulka Masar ayaa go’aansatay inay abaal marinno gudoonsiiso Salah iyo Ronaldo ka hor koobka adduunka.

Image result for Salah Ronaldo

Ronaldo ayaa ku guulaystay xiddiga yurub iyo kan adduunka, wuxuuna sugayaa laacibka ugu fiican dalka Portugal oo lagu dhawaaqi doono 19-ka Maarso.

Sidoo kale, Salah ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican Afrika, laacibka ugu fiican dalka Masar iyo xiddiga ugu wanaagsan wadamada carabta.

Hormarka ay sameeyeen iyo abaal marinada ay uruursadeen labadaan xiddig ayaa keentay in la qorsheeyo in maamuus gooni ah loo sameeyo marka ay tagaan Zurich dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close