Ronaldo iyo ciyaartoy dhawr ah oo seegaya kulanka caawa ee Espanyol (Arag liiska uu soo xushay tababare Zidane)

(Madrid) 27 Feb 2018 Tababare Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Real Madrid ee caawa u martin doona kooxda Espanyol.

Liiska uu soo saaray tababaraha reer France waxaa ka maqan xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo kaas oo aan qabin dhaawac balse tababaruhu uu ugu talo galay inuu nasiyo ka hor kulanka PSG.

Sidoo kale liiska waxaa ka maqan Marcelo, Luka Modric iyo Toni Kroos oo intuba dhaawac ka qaba kooxda Real Madrid.

Waxaana la filayaa in Marco Asensio uu buuxin doono booska Ronaldo kadib markii uu seegay kulankii Alaves.

Real Madrid ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay ugu soo dhawaan lahayd Atletico Madrid oo haatan ka koraysa 7-dhibic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close