DEG DEG: Neymar oo mari doona qaliin iyo waqti dheer oo uu maqnaanayo

(Paris) 27 Feb 2018 Xiddiga reer Brazil ee Nemar ayaa go’aansaday inuu maro qaliin si uu uga soo kabto dhaawicii ka soo gaaray kulankii Marseille.

AS ayaa daaha ka qaaday in Neymar uu go’aansaday inuu maro qaliin, wuxuuna xooga saarayaa sidii uu taam ugu noqon lahaa koobka adduunka.

Qaliinka kadib, laacibka ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo dhan 2-bil, waxaana la filayaa inuu soo laabto bisha 5-aad markaas oo xiliciyaareedku uu dhamaad yahay.

Neymar ayaa qaatay go’aan kaan kadib markii uu ka cabsaday in dhaawacaan uu ku soo laabto koobka adduunka oo sidaas uu ku seego, wuxuuna haatan xooga saarayaa oo kaliya sidii uu taam ugu noqon lahaa kulamada xulkiisa Brazil ee koobka adduunka.

Lama hubo ilaa haatan dalka uu qaliinka ku marayo Neymar, waxaana loo badinayaa France ama dalkiisa Brazil midkood si uu uga soo kabto dhaawicii ka soo gaaray anqowga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close