Xiddigaha ugu Goysmada badan 5-ta horyaal ee ugu waa wayn Yurub oo la soo saaray…(Ronaldo safkaba kuma jiro, Yaa hogaaminaya Liiska?)

(Europe) 26 Feb 2018. Waxaa la soo saaray 20-ka xiddig ee ugu goysmada badan shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub xilli ciyaareedkan, Cristiano Ronaldo ayaana ka soo muuqan Liiskan.

Diraasadan oo ay sameysay  CIES Football Observatory ayaa waxaa kaalinta koowaad ku soo baxay xiddiga Chelsea ee Eden Hazard kaa oo kulankiiba sameeya 6.4 Goysmo oo guuleystay halka marka Boqolley loo dhigana uu sameeyay 75%.

Labaad ayaa waxaa ku soo baxay laacibka ugu qaalisan adduunka ee Neymar halka uu Saddexaad ku jiro Lionel Messi.

Xiddigaha u dhashay Ingiriiska waxaa liiskan ka soo galay laacibkii Chelsea Ruben Loftus-Cheek, taa oo ka dhigan inuu yahay xiddiga ugu goysmada badan xulka Saddexda Libaax.

EEG Liiska 20-ka Laacib ee ugu Goysmada badan 5-ta Horyaal ee ugu waa wayn Yurub:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close