“Waan ka xumahay dhaawaca Neymar laakiin waan ku faraxsanahay inuu seego kulankeena”

(Paris) 26 Feb 2018 PSG ayaa helaysa akhbaar xun oo ku aadan dhaawaca laacibkooda Neymar kaas oo la filayo inuu garoomada ka maqnaado 3-isbuuc.

Daafaca kooxda Marseille ee Adil Rami ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray Neymar ka hor kulanka arbacada ee French Cup.

Kooxaha Marseille iyo PSG ayaa ku kulmaya French Cup arbacada, Adil Rami ayaana soo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in Neymar uu seego kulankaas.

Image result for Adil Rami Neymar

“Ani ahaan, aad ayeey u fiicantahay inay maqnaadaan ciyaartoyda ugu fiican ee kooxda kaa soo horjeeda” ayuu yiri Adil Rami ka hor kulanka PSG.

“PSG waa koox naga soo horjeeda ee ma ahan cadawgeena, waan ka xumahay dhaawaca Neymar, nasiib xumada qaar kamid ah ciyaartoyda waxay farxad u tahay kuwo kale”.

“Inkasta oo PSG ay haysato ciyaartoy fiican oo buuxin kara booskiisa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close