“RIYO KALE MA LIHI”.

(Madrid) 26 Feb 2018. Billado badan oo shaqsiyaadeed iyo koobab aan tiro lahayn oo uu la qaaday kooxo – Cristiano Ronaldo waxa uu sheegay in uusan lahayn riyo kale.

Taas yaan lagu qaldin “Himilo” la’aan, Portugal-ku wali waa u heeggan dagaal.

“Waxaan ku guuleystay waxyaabo badan oo qurux badan oo hadda ma lihi riyooyin kale,” ayuu ku sheegay Youtube Channel laga leeyahay Brazil, Desimpedidos.

“Dabcan, haddii aad I weydiiso haddii aan doonayo in aan markale guuleysto, waxaan jeclaan lahaa koobka aduunka, caadiyan, laakiin haddii aan soo gunaanado waayahayga aad ayaan u faraxsanaan lahaa.

“Waligey kuma fekrin in waayahayga sidaas u wanagsanaan doonto.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close