Neymar oo Bareele Garoonka looga qaaday isagoo aad u Murugeysan…(Ma Ciyaari karaa kulanka Real Madrid?)

(Paris) 26 Feb 2018. Neymar ayaa garoonka looga saaray Bareelo ciyaartii xalay ay PSG saddexda gool uga adkaatay Marseille.

Laacibka reer Brazil iyo waliba xiddigaha kale ee kooxda ayaa wajigooda cabsida iyo muragada laga dheehan karay marka Bareelaha garoonka looga saarayay.

Neymar ayaa kubbad ka luntay mar uu raacanayay ayaa lugta u laabantay Canqowga isagoona dhulka ka kici waayay, waxaana ka muuqatay Murugo aad u wayn markii garoonka laga saarayay.

Shaki wayn ayaa laga muujinayaa inuu taam u noqon karo kulanka Champions League ay lugta labaad Paris kula ciyaari doonaan Real Madrid sagaal beri kaddib.

SAWIRRO:

 The world's most-expensive player rolled his ankle as he ran for the ball during the Ligue 1 clash

 He was left writhing on the floor in agony as his PSG team-mates watched on anxiously

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close