Neymar oo aad uga maseersan Mbappe…..Ogow sheekooyinka la yaabka leh ee ka socda Paris

(Paris) 26 Feb 2018. Neymar waxa uu aad uga maseersan yahay laacibka ay Paris Saint-Germain ka wada tirsan yihiin Kylian Mbappe, sida wararku qabaan waxa uu kooxda ku qasbayaa in ay iibiyaan.

Brazilian-ka hore waxa ay isugu dheceen Edinson Cavani.

Sidoo kale waxaa walaac ku haya cabsida uu u qabo booskiisa, sida ay warineyso El Pais, PSG waxa ay gaartay heer ay ka arinsanto iibita Mbappe si ay uga farxiso Neymar.

Majaladdu waxa ay qortay In Neymar uusan gabi’ahaanba ku qanacsaneyn France-siiska waxa uuna uga baqayaa in uu uga hormaro Ballon d’Or-ka.

Wal walkiisa waxa uu gaarsiiyey in uusan kubadda u basin, xittaa haddii uu boos fiican isaga oo aan la xiran joogo halka uu sidaas faray Alves oo ay dal wadaag yihiin.

Madaxda wey ku wareereen arinka maa doonayaan in ay ka xanaajiyan Neymar, waxa ay qorsheenayaan in ay Mbappe u diraan Barcelona.

Marka laga yimaado in ay xagaagii hore la soo wareegeen Mbappe waxa ay diyaar u yihiin in ay u diraan Camp waa haddii ay Philippe Coutinho helayaan.

Coutinho iyo Neymar waa saaxiib waliba ilaa iyo yaraantoodii – waxa uu isku dayey in uu ku qanciyo imaanshaha Paris.

Mbappe waxa uu aad ula yaaban yahay heerka ay gaartay hinaasahha uu ka qabo Neymar – taas oo loo aaneenayo kalsoonida xad dhaafka ah ee Mbappe.

Man City ayaa sidoo kale isha ku haysa Kylian Mbappe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close